Gollaha hay’adaha dimaha ee ismamulka diridhabe ayaa sheegay in hay’adaha diimuhu kaalin wayn ku leeyihin nabadaynta iyo midnimada shacabka.

Gollah Hay’adaha diinmaha ee Diridhabe ayaa wada tashi la yeeshay qaybaha kala duwan ee hay’adaha ay khusayso arrimaha nabadaynta iyo ilaalinta nabadda uu maamulku abuuray.

Sheekh Ibraahim Imaam, oo ah guddoomiyaha hay’adda dimaha ee magalada Diridhabe ayaa sheegay in nabaddu ay tahay fadli qiimo badan oo marka nabad la helo ayu jilkuna wax barta oo u abuura awood uu dal ku dhiso.

Aabayaasha hay’adaha diimaha ayaa ku nuux nuux saday in looga fadhiyo in laga wada shaqeeyo arrimaha horumarka dalka, nabadaynta, iyo midnimada.

Duqa magaalada Diridhabe mudane Khadir Juhaar oo madasha kaso qay galay ayaa sheegay in nabada uu abuuray maamulku ay tahay mid ay iska kaashanayaan golaha hay’adaha diimaha, ciidamada nabad sugida, golaha kabineedka, dhalinyarada, iyo bulshada magalada.

Waxa uu tilmaamay duqu in ay jiraan koxoo ku hawlan burburinta nabada la abuuray, bilicda magaalada , waxaana uu sheegay in dawladda iyo hay’adda diimuhu ay dadaal badan ku bixinayaan sidii wada hadal loogu dhamayn lahaa khilaafyada iyadoo nabadda laga hormarinayo.

Sidoo kale duqa magaalada mudane Khadir Juhar, ayaa ku booriyay hay,addaha diimaha in ay kaalin wayn ka qaataan u doodista nabada, wacdiga nabada, dhax dhaxaadinta, iyo taabagalinta nabada.

Sida, ay sheegen ka soo qaybgalayaasha madashu, in aay awood wayn u leeyihiin inay sugaan midnimada qaranka iyo nabadda bulshada iyagoo cambaaraynaya colaadaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *