Waxaa bilihi xagaagi aan soo dhafnah ismaamulka laga bilaabay barnaamijka tabaruucadka oo la isku garab taagayay dadka ay hayntoodu hoosayso iyado gar’gaaro kala duwan loo fidinayay ayaa waxaa maanta dadkaasi qaarkod lagu wareejiyay guryahoodi oo qaar loo dayac tiray qaarna si cusub loogu dhisay.
Hadaba waxaa maanta lagu wareenjiyaya guryihi ay dhiseen xafiisyada dawlada lagu wareejiyay dadki loo dhisay barnaamijkani fure ku wareejinta dadkasi ayaa waxaa goob joog ka ahaa kuna wareejiyay duqa ismaamulka dir dhaba mudane khadiir jawhar oo sheegay in ay tani tahay mid bulshada ay hayntoodu liidato loogu hiilinayo taasi oo ay masuliyadi naga saarantahay in aan caawino walaalaheen.
Duqa ismaamulka ayaa intaasi ku daray in ay tani qayb ka tahay hawlihi uu qorshastay ismaamulku ee ku wajahnaa iskaashiga bulshada qaybaheeda kala duwan wuxuna sheegay in la sii xoojin doono.
Geesta kale mudane baxar cabdala oo ah ku xigeenka madaxa xafiiska dhilinyarada iyo ciyaaraha isboortiga ee ismaamulka dir dhaba ayaa sheegay in ka ismaamul ahaan uu sannadkani qoshuhu ahaa 335 guri in loo dhiso dadka ay hayntoodu hoosayso intaasi gudaheedna la soo dhamays tiray 278 guri oo iskugu jira kuwo la dayac tiray iyo kuwo si cusub loogu dhisay dad waayeel ah.
Guryahani hada furayaashooda la wareejiyay ayaa waxaa dhismahooda ka qayb qaatay xafiisyada kala ah xafiiska maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha, xafiiska xirfadaha iyo shaqo abuurka, wakkaaladda gaadiidka iyo saadka ee ismaamulka dir dhaba iyo waliba dagmooyinka 02 iyo 05 oo tiro ahaan dhan 21 guri.


