Taliyaha Guud ee Booliska Magaalada Dir Dhabe, Komishaneer Alemu Megra, ayaa maanta hoggaamiyay munaasabad ballaaran oo lagu dallacsiinayay saraakiil iyo xubno ka tirsan ciidanka booliska kuwaas oo si hufan u gutay waajibaadkooda shaqo.
Munaasabadda oo ahayd mid lagu guddoonsiinayay darajooyin cusub, ayuu Komishaneer Alemu Megra khudbad uu jeediyay ku sheegay in xubnaha la dallacsiiyay ay maanta gaareen heer ka sarreeya kii ay shalay joogeen, taasina ay ka dhigan tahay masuuliyad iyo waajibaad dheeraad ah oo looga baahan yahay inay si daacadnimo leh u gutaan.
Taliyaha ayaa tilmaamay in adeegga ay bulshada u hayaan saraakiisha iyo ciidamada booliska aan lagu qiimeyn doonin shaqadii hore oo keliya, balse lagu cabbiri doono masuuliyadda cusub ee ay maanta qaadeen.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in darajadu aysan ahayn sharaf shaqsiyeed oo keliya, balse ay tahay astaan muujinaysa adeeg bulsho, anshax iyo hoggaan wanaagsan.
Sidoo kale wuxuu sheegay in ilaalinta anshaxa ciidanka, dhowrista calanka iyo ku dhaqanka nidaamka booliska ay tahay waajib mudnaan gaar ah leh oo laga doonayo xubnaha la dallacsiiyay.
Duqa Magaalada Dir Dhabe, Mudane Khedir Juhar, oo ka qayb galay munaasabadda islamarkaana halkaasi ka jeediyay hadal hambalyo ah, ayaa sheegay in dallacsiintu ay tahay kalsooni lagu qabo shaqada iyo dadaalka xubnaha ciidanka.
Wuxuu ugu baaqay xubnaha la dallacsiiyay inay sii xoojiyaan waxqabadkooda isla markaana ay noqdaan kuwo bulshada ugu adeega hufnaan iyo daacadnimo.
Munaasabadda ayaa lagu dallacsiiyay xubno kala duwan oo ka tirsan ciidanka booliska, kuwaas oo isugu jiray saraakiil iyo askar, iyadoo 92 xubnood laga dallacsiiyay Kaaliyaha Ku-xigeenka ilaa Kaaliyaha Insbektar.
26 xubnood laga dallacsiiyay Kaaliyaha Insbektar ilaa Kaaliyaha Guud ee Insbektarka.
8 xubnood laga dallacsiiyay Kaaliyaha Ku-xigeenka Insbektar ilaa Kaaliyaha Ku-xigeenka Kumandharka.
21 xubnood laga dallacsiiyay Kaaliyaha Ku-xigeenka Kumandharka ilaa Kaaliyaha Sare ee Kumandharka.
Sidoo kale boqolaal xubnood oo kale ayaa helay dallacsiinno kala duwan oo la xiriira heerarka ciidanka booliska.
Munaasabaddan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu dhiirrigelinayo ciidamada booliska iyo kor u qaadidda tayada adeegga ay bulshada u hayaan.


