Mashruuca Tababarka Dhalinyarada ee Shaqada ee”Biqat” ayaa loo qabtay xafladda qalin-jabinta 946 arday oo dhammaystay wareeggii saddexaad ee tababarka xirfadaha nolosha.

Waxana furitanka xafladda qalin jabinta ardayda ka hadlay, Wasiiru-dowlaha Shaqada iyo hirfadaha Mudane Solomon Soka,oo sheegtay in 60,399 dhallinyaro ah laga diiwaan galiyay barnaamij kasta oo mashruuc ah oo dalka oo dhan ah. Wuxuu sheegtay inay abuuri doonto fursado shaqo oo joogto ah oo loogu talagalay dhallinyarada.

Waxa kalo uu sheegtay wazzirku in 2,846 arday ay qalin-jabiyeen saddexdii sano ee la soo dhaafay ismamuka diridhaba, Waxuu tilmaamay in boqolkiba 60ka mid ah ay ahaayeen haween dhallinyaro ah.

Wasiiru-dowlaha ayaa sheegtay inay rajo wayn tahay in 946 dhallinyaro ah oo maanta diridhaba qalin-jabiyay ay noqdaan kuwo u qalma oo noloshda wax kaga badala.

Wuxuu uga mahadceliyay dhallinyarada waaxda gaarka loo leeyahay inay albaabadooda fureen iyagoo wadaagaya aqoonta iyo abuurista fursado shaqo.

Dhankisa Madaxa Xafiiska Xirfadaha Shaqada iyo xirfadaha ee is Maamulka Diridhaba, mudane Robel Getachaw, ayaa sheegay in mashruucu uu siiyay 12 maalmood oo tababar xirfadeed oo nolosha ah dhalinyarada sii wada waxbarashadooda sababo kala duwan awgood. Wuxuu sharraxay inuu ahaa maslax shaqaale joogto ah.

Wuxuu sheegay in mashruucu uu baddelay dhaqanka shaqada ee dhalinyarada ka shaqeeya warshado kala duwan isla markaana uu awood u siin doono inay horumariyaan shaqaale tartan leh.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *