Waxaa La Sheegay In Magaalada diridhabe Bilicdeda Nadafaded Mel Logaso Wada Jeesto.

Maamulka dagmada 02 ee idmamamulka diridhabe ayaa shacabka dagmadasi ku dhaqan u qabtay madal loogu magac daray “Abuur Dagmo Qurxux Badan oo Nadiif ah”.

Waxana ugu horaynyi madashasi ka hadlay Komishineerka Komishiinka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Spoortigga ee Is Maamulka Diridhabe Mudane Khaalid Maxamad oo sheegay in ismaamulka Diridhabe ay ku dadaalayaan sidii ay bilicda iyo nadaafadda magaalada uga dhigi lahayen mid nadaafadeed iyo bilic ahaanba ay ku hawlan yihin, isagoo ugu baaqay bulshada inay iska kaashadaan ka shaqaynta nadaafadda.

Mudane Khaalid Maxamad ayaa intaa ku daray in dhamaan shacabka ku dhaqan dagmada 02 ay ka wada qayb qaataan ololaha nadaafadda ee ka socda dagmada, wuxuuna ku booriyay dhammaan dhinacyada ay khusayso in ay kala shaqeeyaan nadaafadda xaafadaha, goobaha shaqada iyo waddooyinka.

Geesta kale Waxaa halkasi ka hadlay Gudoomiyaha dagmada 02 Mudane Abeel Misraaq,oo sheegay in Nadaafadda ay ugu horaysa in an nafteena,ahaan ila linoo iyo taa goobaha an ku nool nahay. isaga oo intaa ku daray in shacabka ku nool magalada ay kaalintooda ka qaataan ololaha nadafaded sidii loo abuuri lahaa magaalo ay dagan yihiin dadka nadafada jeceel iyadoo la ilaalinayo nadaafada iyo bilicda magalada.

Waxaa si wayn looga dooday halka loo baahan yahay in laga shaqeeyo nadaafadda , qaar ka mid ah ka qayb galayaasha madashasi ayaa sheegay in nadaafadda aysan ahayn wax mar un laga shaqeyo balse loo bahanyahay in mar walba laga shaqeeyoo.

Cabdilahi Cabdo

Sawir qade:Salaam Ababe.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *