Bandhig sawireed ayaa lagu qabtay xarunta Alliance Francis Center ee magaalada Diridhaba, halkaas oo ay ka soo qayb galeen dad badan.
Bandhiga sawirada ayaa inta badan loo soo agaasimay xuska ka qaybgalka taariikhiga ah iyo taageerada ay shacabka maamulkaasi u hayaan biyo xidheenka waeyn ee wabiga abay .
Bandhiga sawirada ayaa waxaa sidoo kale ka soo qayb galay maayarka magaalada Diridhaba mudane Khedir Juhar oo sheegay in dhismaha biyo xidheenka wayn ee itoobiya oo ah mid ka dhashay heshiiska iyo hanka guud ee itoobiya uu ku dhamaaday si guul ah oo aynu qayb ka nahay jiilkan taariikhiga ah.
Markii aan bilownay dhismaha biyo xireenka wabiga wayen ee abay waxaan si wada jir ah u balan qaadnay in aan ka baxno faqriga iyo rafaadka oo aan u gudubno barwaaqo, waxaana noo suurta gashay in aan dib u qorno taariikhda Adwa innagoo gees ilaa daraf u wada istaagnay sidii aan u dhisan lahayn maal iyo xoog.
Duqa magaalada mudane Khedir Juhar ayaa sheegay in aan bilownay socdaalkan dib u soo noolaynta Itoobiya, rajadana aan uga gudbayno iftiin ifaya.
Dhankiisa, Madaxa Xafiiska Isku xidhka Biyo xidheenka wabiga itoobiya ee ismaamulka Diridhaba mudane Habtamu Asefe ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in biyo xidheenka wabiga abay oo ahaa mashruuc in muddo ahba la dhamaystiray haatana uu diyaar u yahay in laga faa’iidaysto. Waxa uu ku micneeyey in bandhiga sawireed ee maanta la soo agaasimey uu yahay bandhig sawireed oo muujinaya sida ay shacabka maamulkaasi uga qeyb qaateen dhismaha biyo xireenka taariikhiga ah ee wabiga abay bilow ilaa dhamaad iyo geedi socodkii socdaalka biyo xireenka.
Munaasabadda ayaa lagu wadaa inay socon doonto saddex maalmood oo xiriir ah.
Munaasibadan oo ay ka soo qayb galeen ku xigeenka golaha barlamanka ee ismaamulk Diridhaba Marwo Kariima Cali, Madaxa Hogaanka Abaabulka ee Xisbiga barwaaqo Mudane Dereje Tsegaye, marti sharaf lagu casuumay, madaxda sare iyo kuwa dhexe ee maamulka, iyo shacab badan oo ka tirsan maamulkaasi.


