Waxaa xusid mudan in ururka horumarinta reer miyiga ee xafiska , Beeraha, Khayraadka Biyaha iyo Tamarta ee ismamulka magaalada Diridhaba uu maanta bilaabay wada tashi iyo khibrad is-dhaafsi oo ku saabsan shanta waji ee badbaadada horumarinta reer miyiga.
Barnaamijka subaxnimo ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay shaqooyinkii la soo gabagabeeyay oo shan waji ah, waxaana intaas ka dib la qabtay barnaamijka boqasho ah.
Booqashadan ayaa sidoo kale waxaa ay kormeer ku tageen howlaha ilaalinta ciidda iyo biyaha oo ay Hay’adda Horumarinta damanada cuntada ka fulisay dagmada Waheel, ee tullada Hullul mojo ee Miyiga iyo dagmada xasalisoo ee tullada Ganderige ee Miyiga .
Kormeerka ayaa intii uu socday waxaa isbadel lagu sameeyay howlaha ilaalinta ciidda iyo biyaha, howlo laga sameeyay biyaha waraabka, waxaa sidoo kale la booqday beeraleyda aggagasi.
Marwo Sinatayew Dhamise,oo ah madaxa xafiiska isku xidhka ilaalinta cuntada ee wasaarada beeraha ayaa sheegtay in ay arkeen hawlo wax ku ool ah oo laga qabanayo ilaalinta carrada iyo biyaha isla markaana ay gacan ka siin doonaan sidii loo sii wadi lahaa shaqada socota.


