Kulankaas, guddigu wuxuu daahfuray liis hubin (checklist) lagu qiimeynayo waxqabadka xafiiska, gaar ahaan dhinacyada la xiriira mashaariicda horumarinta, ururinta dakhliga, iyo maareynta maaliyadda.
Madaxa Xafiiska Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Muluka Maxamed, iyo xubnaha Maareynta Dakhliga ayaa guddiga la wadaagay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan shaqooyinka la qabtay, caqabadaha jira, iyo qorshayaasha socda.
Guddoomiyaha guddiga ayaa carrabka ku adkeeyay in la xoojiyo fulinta qorshayaasha iyo natiijooyinka la gaarayo, si loo hubiyo daahfurnaan, isla xisaabtan iyo adeeg hufan.
Intii uu socday kulanka, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray:
daahfurnaanta mashaariicda caadiga ah iyo kuwa raasamaalka,
horumarinta ururinta dakhliga,
iyo xoojinta maareynta maaliyadda.
Ugu dambeyn, guddiga iyo mas’uuliyiinta xafiiska ayaa isku raacay in la hirgeliyo fursado cusub oo lagu kordhinayo dakhliga, isla markaana la xoojiyo wada shaqeynta hay’adaha khuseeya si loo dardargeliyo horumarka dhaqaale ee ismaamulka Dire Dhabbe.


