“Waxaad ku billowdeen sanadka cusub farxad, caruurteydana isku keen”

Hooyo Xamdiya Maxamed

Xafiiska Arrimaha warfaafinta dawlada ee ismaamulka Diridhaba ayaa maanta furaha ku wareejiyay mulkiilaha gurigan oo la dhisay muddo bil gudaheed ah.

Xafiisku wuxuu si casri ah oo heersare ah u dhamaystiray guriga Hooyo Xamdiya Maxamed oo ah hooyada 5 caruur ah marka lagu daro 3 caruur ah oo ay dhashay iyo 2 caruur ah oo ay koriso.

Madaxa Xafiiska Arimaha warfaafinta Dawladda ee ismaamulka Diridhaba Mudane Buruk Feleqe oo ka qayb galay barnaamijka ayaa ka jeediyay hambalyada sanadka cusub isagoo sheegay in gurigan lagu dhisay shaqo iskaa wax u qabso ah xiliyada jiilaalka.

Mudane Buruk ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in gurigan lagu soo gabagabeeyo muddo bil ah, isla markaana uu ku wareejiyo maalinta sanadka cusub waxa uu tilmaamay in xafiisku uu sii wadi doono dadaalka uu ugu jiro caawinta dadka danyarta .

Ugudanbayna, mudane Buruk ayaa aad ugu mahad celiyay degmada 03 iyo 05 oo gacan ka gaysatay dhismaha gurigan.

Hooyo Xamdiya Maxamed ayaa iyaduna dhankeeda xustay in caruurteedu ay u kala firxadeen dhibaatooyin xagga guryaha ah, isla markaana ay ku qasbanaadeen in la dejiyo guryaha ay dariska yihiin, waxaanay u mahad-naqday Xafiiska Arrimaha warfaafinta ee Dawladda oo ay si wanaagsan ula shaqeeyeen, waxaanay tidhi, “Waxaad sanadkan cusub ku bilawdeen farxad, carruurtaydiina waa isku keentay.

Madaxa fulinta ee degmada 03 mudane mudane Mitku Hunyaw iyo madaxa fulinta ee degmada 05 mudane Abraham Yimer ayaa sheegay in hooyo Xamdiya ay dhibaato badan kala soo kulmeen caruurteeda dhibaatooyin dhanka guryaha ah, waxayna muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin in ay maanta noqdaan dad guryo leh.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *