Waxaa fagaaraha weyn ee lagaarka lagu qabtay afur wadareed ay kasoo qayb galeen masuuliyiinta sare ee ismaamulka oo uu hor kacayo duqa ismaamulka dir dhabe mudane khadiir jawhar iyo waliba madaxa xafiiska xisbiga barwaaqo laantiisa dir dhabe mudane ibraahim yuusuf.
Bulshada ismaamulka oo lagu yaqaano isku duubnida iyo wada noolaanshiyaha ayaa rag iyo dumarba si balaadhan uga soo qayb galeen iyado barnaamijkaasi afurka lagu muujiyay walaaltinimada ummada muslimka ah ka dhexaysa iyo barakada bisha barakaysan ee ramadaan.
Kadib marki la afurtay salaadi maqribna la oogay ayaa waxaa hadal gaaban oo mahadnaq soo jeediyay duqa ismaamulka mudane khadiir jqawhar oo ugu hambalyeeyay bulshada ismaamulka bishani ramadaan sheegayna in kala badhka bishani afur wadareed aad u weyn oo ay kasoo qayb galidoonaan marti kala duwan oo ka kala socota deegaanada dalka iyo xarunta dalka uu ka qabsoomi doono isla goobtani fagaaraha lagarka hortiisa maalintaasi oo si gaar ah loo xasuusan doono dadka ay hayntoodu hosayso oo dhar, raashin iyo waliba agab kala duwan lasiin doono.
Geesta kale dadki kasoo qayb galay afur wadareedkani ayaa sheegay in ay bulshada dir dhabe dhaqan u leeyihin in ay meel wax ku wada cunaan tanina ay gaar ka dhigayso bisha ramadaan oo ay ummadda muslimku uga faa`idaysanayaan in ay farxada wada qaybsadaan.


