Maalinta Caalamiga ah ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa oo loo dabaaldgay markii 22aad, iyadoo halku dhagg loga dhigay “Jiil Anshaxaysan,iyo kudhaqan Hay’ad nidamsan!” iyo maalinta HIV AIDS,ee 38aad,ee heer caalami,halka heer qarana markii 37aad,ay tahay ayaa sii wada jir ah maanta ismamulka diridhaba loga xusay.
Waxaana,Dood ballaaran oo ku saabsan yaraynta unuglanta HIVga, iyo ka hortagga bixinta adeegyada hay’adaha iyo u nuglaanshaha musuqmaasuqa ayaa lagu qabtay aqoon is waydaarsi uu soo qabanqaabiyay Xafiiska Arrimaha Isgaarsiinta Dowladda ee is Maamulka Diridhab Dawa.
Waxana madasha, ka hadlay, Madaxa Xafiiska Arrimaha Isgaarsiinta Dawladda, ee ismamulka diridhaba,mudane,Bruuk Falaqe,oo sheegay in dhaqaalaha dalka lagu dhisi doono iyadoo la ilaalinayo jiil caafimaad qaba qaba. Waxay tasina baahan tahay in la abuuro muwaadin caafimaad qaba oo door ku leh dhaqalaha dalka.
Mudne. Bruuk, ayaa sido kale sheegay in tallaabadani ay sii ahaan doonto calaamad muujinaysa hirgalin waara iyo in haweenku ay sii wadi doonaan inay si adag uga shaqeeyaan sidii ay u baddali lahaayeen aragtida bulshoo waynta ee ku saabsan HIV/AIDS.
Intii lagu jiray madasha doodda, shaqaalaha xafiiska ayaa waxay ka faalloodeen labada mawduuc waxana jawaabo ka bixiyay khabiir kasocday xafiska caafimadka ee ismamulka diridhaba.


