#warkaǀ waxaa la sheegay in sobabaha ay mashaaricaha ismaamulka magaalada addis ababa wakhti dhaw ugu dhamaadan ay tahay in ahmiyadda la siiyay habaynta cududa shaqaalaha.

#DGCǀ cirir 24/2016 T.I

Waxaa booqasho khibrad is waydaarsi ah magaalada addiis ababa ku jooga masuuliyinta golaha kaabineedka ismaamulka dir dhabe iyo kuwa xafiiska xisbiga barwaaqo laantiisani dir dhabe oo uu hor kacayo duqa ismaamulka dir dhabe mudane khadiir juhar.

Masuuliyintani ayaa kor meer kusoo maray mashaariicaha kala duwan ee wakhtiyadi ugu danbaysay laga soo gaba gabeeyay magaaladaasi dir dhabe iyo khibradaha ku duugan wakhtiga kooban ee lagu soo dhamaystiray mashariicahaasi.

Mashariicahani ayaa waxaa ka mid ah oo ay soo booqdeen dhismaha xarunta quudiinta ee lagu magacaabo tasfa birhan, xarunta haweenka, warshadda soo saarta canjeerada, goobaha laga fuliyay barnaamijka horumarka cagaaran iyo mashaariico kale.

Duqa ismaamulka dir dhabe mudane khadiir juhar ayaa sheegay in dhismaha cusub ee musiyeemka adhwa ay tahay mid mucjiso ah oo ay ka muuqato bisaylka masuuliyiinta iyo shaqaalaha ka qayb galay dhismahani.

Wuxuna intaasi ku daray duqa ismaamulku in ay khibradda ay ka helaan socdaalkai ay gashi uga dhigi doonaan qaar ka mid ah mashaariicaha ka socda ismaamulkani dir dhabe.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *