Xisbiga Barwaaqo ee Laantiisa Diridhaba ayaa dib u eegis ku samaynaysa waxqabadkii rubuci kowaad ee sanad miisaaniyeedka 2018ka oo ay la qaadanayeen madaxda qaybta
Madasha dib u eegista ayaa waxaa ka hadlay Madaxa Xafiiska Barwaaqo ee Laanta Diridhaba Mudane Ibraahim Yuusuf oo sheegay in dhamaan madaxda looga fadhiyo sidii loo sii wadi lahaa geediga soo noolaynta Itoobiya iyadoo la xoojinayo guulaha la taaban karo ee laga diiwaan galiyay dhamaan qaybaha kala duwan ee xisbiga.
Ugu horayn waxa khudbadiisa ku sheegay in xisbigu uu si hufan u gutay doorkiisii hogaamineed ee sadexdii bilood ee u danbeeyay, isla markaana uu u diiwaan galiyay guulo u horseedaya geediga horumarka, waxaanu sheegay inay wax weyn ka qabteen mashaaric horumarineed oo waaweyn oo ay ka mid yihiin horumarinta jidka maamulka, maktabada wax soo saarka iyo xarunta imirtaa .
Waxaa madasha lagu soo bandhigay warbixintii fulinta qorshaha rubuci kowaad .


