Waxaa la sheegay in dhalinyaradu ay dalkooda wax ka badali karaan iyagoo ka shaqeysta shaqooyin kala duwan.

Madal wada tashi ah oo ay ka soo qayb galeen dhinacyada ay khusayso ayaa maanta lagu qabtay ismaamulka Dir dhaba, kaas oo lagaga arrinsanayay sidii muwaadiniinta dalkooda dib ugu soo laabtay ee ka soo barakacay dalka dib ugu soo celin lahaa dhaqaale ahaan.

Madaxa Xafiiska Haweenka, Carruurta iyo Arrimaha Bulshada ee ismamulka Dir dhaba Marwo xukmiya Mahaxmed oo isla barnaamijkaasi ka hadashay ayaa sheegtay in dhalinyarada oo ah cudud wax soo saar leh ay iskood isu abaabulaan oo ay ka shaqeeyaan mashaariic kala duwan oo ay dalkooda wax uga badali karaan iyaga oo aan naftooda ahayn.

Marwo xukmiya ayaa sidoo kale sheegtay in dhalinyarada gaar ahaan ay ka shaqeyn karaan dalka oo ay wax ka bedeli karaan.

Maareeyaha Wakaalada Arimaha Bulshada ee Xafiiska Haweenka iyo Arimaha Bulshada ee ismamulka Dir dhaba Mudane C/raxmaan Muusa ayaa sheegay in qof dhalinyaro ah ay siin doonaan lacag dhan 32,000 oo Birr iyo 320,000 oo Birr 10 dhalinyaro ah oo ururo u abaabulan si ay shaqo u helaan. Marka laga soo tago taageerada dhaqaale ee la bixiyay, 160 dhallinyaro ah ayaa sidoo kale la siin doonaa taageerada xirfadeed ee lagama maarmaanka ah, ayuu sheegay mudane cabdurexman.

Xiriiriyaha Hay’adda Save the Children, Mudane Xaaji Maxamuud Ismaaciil, ayaa sheegay in Hay’adda Save The Children ay shantii sano ee la soo dhaafay dadaal xoogan ugu jirtay sidii dhalinyarada ay u gaari lahaayeen hadafkooda, isla markaana ay u gaari lahaayeen heer wanaagsan. Marka laga soo tago bixinta taageero dhaqaale oo lagu caawiyo dhalinyarada inay isku bedelaan shaqada, waxay sidoo kale bixiyaan koorsooyin tababar oo kala duwan.

Shucayb daahir

Sawirka: Salaam Abebe.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *