Xafiiska Arimaha Isgaadhsiinta dowlada ee is Maamulka Diridhaba, ayaa maanta qabtay dood cilmiyeed ay ka soo qayb galeen madaxda iyo shaqaalaha xafisku oo ku saabsan dhamaystirka biyo xidheenka wayn ee Itoobiya.
Waxaana madashasi ka hadlay Madaxa XafiiskaArrimaha Isgadhsinta dawlada ee is Maamulka Diridhaba, Mudane Buruk Faleqe, oo sheegay in dhismaha biyo xidheenka wayn ee itobiya uu muujinayo in dadka Itoobiya ay si hufan u wada shaqayn karaan, wuxuuna si gaar ah ku sheegay in xilligan oo kale la dhiso biyo xidheenka aay guul tarikhiya oo uso hoyatay dhamaan shacaab waynaha itoobiya.
Intii uu socday dood cilmiyeedku ayaa waxaa lagu soo bandhigay dukumeenti diirada lagu saarayay biyo xidheenka wayn ee itoobiya. waxaana laga yeeshay dood balaadhan.


