Wafti uu hogaaminayo Maayarka magaalada Le Bugue ee dalka Faransiiska ayaa soo gebagebeeyey socdaalkii ay ku joogeen magaalada Diridhaba iyagoo ka fuliyey barnaamij dhir beeris ah.

Weftiga oo uu weheliyo Maayar ku xigeenka ahan madaxa xafiiska ganacsiga malgashiga iyo warshadaha ee ismaamulka Diridhaba Mudane Xarbi Buux, ayaa soo gunaanaday waayo-aragnimadooda shaqo ee magaalada Diridhaba, iyagoo ka beeray beerta sharafta leh ee Dr. Fannaan Cali Bira.

Duqa magaalada Le Bugue ee dalka Faransiiska, Leonidas Serge, ayaa sheegay in beerista dhirtu ay wax weyn ka tari doonto ilaalinta deegaankeenna iyo bixinta hawo nadiif ah.

Maayarku waxa kale oo uu xusay in magaalada Diridhaba ay tahay magaalo si adag uga shaqaynaysa dhirteeda cagaaran, loona baahan yahay in mustaqbalka la sii xoojiyo.

Xubnaha weftiga ayaa dhankooda sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin inay raadkooda cagaaran ku beeraan magaalada Diridhaba; iyagoo tilmaamay inay khibrado badan ka kororsadeen intii ay ku sugnaayeen magaalada Diridhaba.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *