waxa laga maamusay ismaamulka xuska maalinta caalamiga ee bad qabka deeganka aduunka.

Xuskani maalinta bad qabka deegaanka ayaa marki 51-aad si heer caalami ah loo xusaya dunida waxaana ismaamulka si heer sare ah loogu xusay qabalaha xarla ee hoos imaada dagmada wahel ee miyiga ismaamulkani diri dhabe.

soo qaban qaabiyay maamulka deegaanka iyo isbadalka cimilada ee ismaamulka dir dhabe iyadoo ay ka soo qayb galeen ardayda wax ka barata jaamacada dir dhabe bulshada oo ku dhaqan qabalaha xarla iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Maareeyaha Hay’adda ilaalinta deegaanka, dhirta iyo Isbeddelka Cimilada Mudane Cabdu Mahamad oo ka hadlay ayaa sheegay in ilaalinta wasakheynta deegaanka iyo kheyraadka hawadu ay muhiim u tahay geediga loogu jiro ilaalinta cimilada dalka wuxuuna sheegay in ujeedada xuskani loo diyaariyay ay tahay xoojinta wacyiga bulshadu u leedahay ilaalinta deegaanka.

gudoomiyaha degmada Waaheel mudane Cabdi Nuuree ayaa isna dhankiisa sheegay in ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah ay tahay in la kordhiyo wax soo saarka beeraha sidaa darteedna laga hortagayo nabaad guurka.

Maalinta caalamiga ee ilaalinta deegaanka ayaa sanadkan si weyn looga xusayaa deegaanada kala duwan ee dalka iyadoo hal ku dhiggiisu yahay ”Anago ka yeelayna in uu dhulku Soo kabasado hank a dhigno mid u adkaysta xaalufka iyo abaaraha’’

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *