Waxaa la tilmaamay in loo bahan yahay in ay bulshadu hoos u dhimaan isticmaalka shidaalka.

Ka dib dagaalki ka qarxay bariga dhexe ayaa si heer caalami ah dunidoo dhan uga dhacday shidaal yari ka dib marki ay xidhantay marinki heramus ee dalkasi iraan.

Waxayna sheegen bulshada gaadiidka kala duwan ee dir dhaba ka dhex shaqaysta iyo kuwa xamuulka qaada ee dalka dibadda uga baxa in loo bahan yahay isticmaalka shidaalka hoos loo dhimo oo sida ugu haboon looga faa’idaysto maadamo ay jirto shidaal yari.

Geesta kale waxay sheegen in dadka sida sharci darada ah suuqa madaw ugu iibinayana dabagal lagu sameeyo talaabo sharciga waafaqsana laga qaado.

Dawladda ayaa shidaalka dalka soo galaya ku darta lacag si loo xadido qiimaha shidaalka iyado sida ay gaadiidku u kala mudanyihiina shidaalkaasi ugu kala fasaxday.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *