Waxaa lagu dhawaqay in xooga lasaro ka hortaga Tahriibka iyo Cadaadiska ay ku nafwaayaan dhalinyaro badan.

Jaamacadda Diridhaba oo kaashanaysa Jaamacadda Addis Ababa iyo Hay’adda Shaqaalaha Adduunka (ILO) ayaa qabanqaabinaysa shirwayne caalami ah oo hal-ku-dhiggiisu yahay “Hay’adda socdaalka iyo horumarinta” oo ay ka soo qayb galayaan cilmi-baarayaal iyo hay’ado dawladeed oo ka kala socda dalal kala duwan.

Shirkan oo magalada diridhaba maanta ka furmay ayaa socon doona labo maalmood.

Waxaa madasha kulankan ka hadlay duqa magaalada Diridhaba mudane Khadir Juhaar ,oo sheegay sida uu ugu faraxsanyahay qabanqaabada shirka caalamiga ah ee ka socda magaalada Diridhaba; wuxuuna ku dheeraaday dhambaalka soo dhawaynta ah ee martida.

Duqa magaalada mudane khadir, ayaa xusay in tahriibinta sharci darada ah ay ku nafwaayaan dhalinyaro badan, wuxuuna xusay in la xoojiyo isku xirka dhibaatadan.

Dr. Magersa Qaasim,oo ah guddoomiye ku xigeenka akadeemiyadda Jaamacadda Diridhaba ayaa sheegay in madashan diiradda lagu saari doono cilmi baarista tahriibka, isla markaana laga doodi doono dhinacyada ay khuseyso, sidoo kalena laga soo saari doono talooyin ku aaddan siyaasadda.

Agaasimaha xarunta daraasaadka socdaalka ee jaamacada Addis Ababa mudane Ababaw Manaaye, oo mashruucan iska kaashanaya jaamacada Diridhaba ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga shaqeeyo sidii fahan cad loogu samayn lahaa tahriibka iyo dhibatadisa, isla markaana loo baahan yahay in la ogaado dhibka jira oo kaliya dhinacyada xun ee uu leeyahay, balse loo baahan yahay in la ogaado dhinacyada wanaagsan ee uu leeyahay.

Kaaliyaha Professor Dhawit Daniel, oo ah Agaasimaha Iskaashiga Istiraatiijiyadeed iyo Arrimaha Caalamiga ah ee Jaamacadda Diridhabe ayaa sheegay in xarunta socdaalka oo ka kooban 8 wadan oo Bariga Afrika ah laga dhisayo Jaamacadda Diridhaba.

Kaaliyaha profasar ayaa sidoo kale tilmaamay in xaruntu ay si joogto ah uga shaqayn doonto sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *