Waxaa si rasmi ah loo bilaabay shirka wada tashiga qaran ee itoobiya iyado furitaanki madashani uu qudbad kazoo jeediyay danjire Dr maxamuud dirir geedan oo ha koomishineerka koomishinka wada tashiga qaranka wuxuna sheegay in madashani ay kazoo qayb galen wakiilada bulshada, dadka bulshada dhexdeda saamaynta ku leh, aqooyahanka, axsaabta siyaasada iyo waliba qaybaha kala duwn ee rukunada dawladda.

Danjire DR maxamuud dirir ayaa dhamaan wakiilada bulshada qaybaheeda kala duwan ee madashani kasoo qayb galay kula dardaarmay in ay fikiradahooda ku saleyaan kuwo dalku dhibtani uu ku jiro ka saari kara iyago baahidooda gaarka ka horaysiinaya kuwa dalka.

Ugu horayn waxaa la soo jeediyay qoraal ka turjumaya sida uu u qabsoomi doono kulankani wada tashiga waxaana soo jeediyay mudane tamasgan cabdisa oo sharaxay qaabka uu u qabsoomi doono iyo habka fikirada loo uruurin doono.

Waxaana uu sheegay in wakiilada bulshada ee 13 dagmo ee miyiga iyo magaalada ismaamulkani dir dhaba loo kala saari doono kooxo kala duwan si si habsami leh loo dhagaysto fikirada dadka kasoo qayb galay madashani.

Kulankani wada tashiga ayaa socon doona muddo toddobaad ah iyado mudadaasi uu socdo doono waxaana ugu danbaynta la dooran doona wakiilada dir dhaba ee ajandayaasha la uruuriyay hor gayn doonta wada tashiga qaranka.

Madashani ayaa socon doonta ilaa maalinta sabtida waxaana la filaya in ajandayaal dhaxal gal ah lagu uruuriyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *