Bulshada ismaamulka dir dhaba ayaa sheegtay in kooxaha raba in ay nabad galyada dalka iyo tan ismaamulkaba ay waxyeelo u gaystaan ka ilaashan doonan xasiloonidooda.

Dalkani itoobiya ayaa sannadkani ka qabsoomi doonta doorashada guud ee 7aad waxaana ay axsaabta siyaasada ee ku loolamaya doorashadani ku guda jiraan ololaha doorasha iyago is ticmalaya warbaahinta dawladda iyo waliba ololaha tooska ah.

Haddaba iyado ay la xidhiidho doorashadani ayaay kooxo raba in ay arqaladeeyaan geedi socodka doorashada iyo nabad galyada guud ee dalka ay isku dayayaan in ay baraha bulshada u mariyaan muwaadiniinta nabadda jecel si ay ugu dhalato argagax iyo xasilooni daro.

Waxaana ay qaar ka mid ah bulshada ismaamulku sheegeen in ay ka foojigan yihiin hagar daamooyinka ay abuurayaan ururo ku fashilmay tartanka siyaasadeed ee dalka oo huwan ajendayaal cadawga dibadu ay leeyihin.

Waxayna intaasi ku dareen in ay meel uga soo wada jeedsanayaan sidi ay nabad galyada dalka iyo tani ismaamulkaba ka ilaalinayaan kooxahaasi war xumo-tashiilka ee raba in ay burburiyaan dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *