Komishinka Maaraynta Khataraha Masiiboyinka ee Ismaamulka Diridhaba ayaa soo diyaariyay tababar wacyigelin ah oo loo diyariyay maamulka sare ee ismaamulka.

Kulanka ayaa waxa ka soo qayb galay guddiga joogtada ah ee golaha baarlamaanka, xubno ka socday xafiiska xisbiga, laamaha warbaahinta, iyo sidoo kale xafiiska duqa magaalada.

Mudane Suleyman Cali, oo ah komishinka xafiiska maaraynta khataraha masiibooyinka, ayaa warbixin ka jeediyay madasha. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in ujeeddada kulanka ay tahay sidii loo horumarin lahaa qorshayaasha wax ka qabashada dhibaatoyinka soo noqnoqda ee dabiiciga ah iyo kuwa ay dadku sababeen.

Sidoo kale, wuxuu xusay in lagama maarmaan tahay in bulshada lagu wacyigeliyo in ay ka kaaftoonto ku tiirsanaanta deeqaha ka imaanaya dibadda, isla markaana la dhaqangaliyo is-caawinta bulshada dhexdeeda, taas oo ah dariiq waara oo wax looga qaban karo khataraha iyo masiibooyinka mustaqbalka.

Madashan wacyigelinta ah ayaa diiradda lagu saarayay sidii loo kordhin lahaa fahamka iyo diyaar garowga masuuliyiinta sare ee maamulka ismaamulka Diridhaba ee ku aaddan ka hortagga iyo maaraynta khataraha masiibooyinka.

Kulanka oo ay ka qayb galeen xubnaha golaha maamulka sare, agaasimayaasha xafiisyada muhiimka ah iyo gudiga fulinta maaraynta masiibooyinka ayaa lagu soo bandhigay arrimo la xiriira qiimaynta heerarka khataraha masiibooyinka ee ismaamulka Istaraatiijiyada ka hortagga iyo ka jawaabidda masiibooyinka.

Kaalinta maamulka sare iyo hay’adaha kala duwan ee dawladda iyo bulshada ku leedahay yareynta khasaaraha.

Ujeeddada madashan ayaa ahayd in maamulka sare laga wacyigeliyo muhiimadda ay leedahay in la dhiso nidaam isku dhafan oo loogu diyaar garoobo xaaladaha degdegga ah, lana xoojiyo iskaashiga hay’adaha dawliga ah iyo bulshada rayidka ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *