Ugu horeyn waxaa madasha tabobarka ka hadlay maayarka magaalada Dir dhaba mudane khadiir jauhar oo sheegay in ujeedada ugu wayn ee madashan tababarku ay tahay sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta hogaamineed.
Wuxuuna sheegay in tababarkani uu wax weyn ka taray sidii loo abuuri lahaa hogaan aqoon ku dhisan oo si sax ah wax uga qaban kara baahiyaha bulshada.
Maayarku waxa uu dardaaran u diray ka qayb galayaasha tababarkan, waxaanu uga mahad celiyay ka soo qayb galayaasha sida wanaagsan ee ay uga faa’iideen tababarkan.
Geesta kale mudane Ibraahim Yuusuf oo ah Madaxa xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee laantisani dir dhaba ayaa yiri.
Waxa uu tilmaamay in madasha tababarku ay kaalin mug leh ka qaadato in hogaanka si sax ah loo fahmo, loona xalliyo dhibaatooyinka iyadoo la fahamsan yahay isbeddellada ka socda dalka, qaaradaha iyo caalamka.
Mudane Ibraahim Wuxuuna tilmaamay in dhowr jeer oo hore la bixiyay tababaro kor loogu qaadayo xirfada iyo aqoonta hogaaminta. Waxa uu sheegay in madasha tababarka oo maanta furmay uu socon doono muddo saddex maalmood ah oo xiriir ah, islamarkaana looga hadli doono arrimo kala duwan.
Tababarka subaxnimo ayaa lagu saleeyay xoogta ciwaankiisu ahaa “dhiiri galin, hawl guul oo uu diyaariyay gudoomiyaha akadeemiyada tacliinta sare ee Afrika Mudane Sadig Abraha. Xoogta ayaa laga doodi doonaa gelinka dambe.
Shucayb daahir
Sawirka: Aganywo shaawraga


