Mayaar ku xigeenka ismamulka magalaada Diridhaba Mudane Xarbi Buux, Ayaa Sheegay In dalku Ka soo gudbay Caqabadihii ina soo Maray, isla Markaana Aanu gaadhnay Gullo Waa Wayn , Anagoo ilaalinayna Qaranimada.

Maamulka Magalaada Diridhaba ayaa maanta xuska 2-aad ee maalinta wadajirka si heersare ah uu xusay taas oo halku dhig looga dhigay“baxadeenu waa quruuxda Itoobiya” iyadoo lagu soo bandhigay munaasabado kala duwan oo lagu xoojinayo midnimada qaranka.

Waxaana furitaanki madasha xuska ka hadlay maayar ku xigeenka ismamulka diridhaba mudane Xarbi buux,oo yidhi in aaynu ka soo gudubnay caqabadihii ina soo maray, isla markaana aanu guul ka soo hoynay, anagoo ilaalinayna qaranimada qaranka sannadihii u dambeeyay.

Wuxuu sheegay in sanadihii ugu dambeeyay Itoobiya ay ka gudubtay colaado una gudubtay nabad waarta.

Wuxuuna ku tlmamaay in guushani ay marag madoonto ah in aynu ku jirno munasibadii furitaanka biyo xidheenka wayn ee wabiga abay ,taasi oo cadayn u ah midnimadeena iyo midnimadeena qaranimo ee laxoojiyay.

Maayar ku xigeenka mudane Xarbi Buux, waxa uu xusay in shaqada warbaahinta iyo isgaadhsiinta ay si wayn uga qayb qaadatay dhismaha midnimada qaranka iyo kor u qaadida dhinaca bulshada Itoobiya.

Intii ay madashu socotay ayaa waxaa lagu soo bandhigay lagana dooday qoraal cilmi baaris ah oo diiradda lagu saarayay dhaqanka, taariikhda, afka iyo xadaaradda qoomiyadaha, iyo shucuubta Itoobiya.

Sida ay noo sheegeen ka soo qayb galayaasha xuska oo aanu la hadalnay ayaa sheegay in ay maalintani sii xojinayso qaranimada, midnimada, iyo is waydaarsiga taariikh dhaqameedka midnimadeena.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *