Garaabka Haweenka Xisbiga Barwaaqo ee degaanka Oromiya iyo Garabka Haweenka Xisbiga Barwaaqo ee Diridhabe ayaa maanta soo qabanqaabiyay barnaamij samafalka ah ee xiliga xaggaga.
Waxaana barnamijka lagu bilabay Olole nadaafadeed iyo dhir beeris,iyo sido kale garabka haweenka ee xisbiga barwaaqo ee Oromiya ayaa taageero kala duwan u fidiyaay dadka danyarta ah iyo ardayda. Maayar ku xigeenka ismaamulka magaalada Diridhabe ahna madaxa xafiiska ganacsiga, warshadaha iyo maalgashiga mudane Xarbi Buux, oo isla barnaamijkaas ka hadlay ayaa uga mahad celiyay madaxda galbeedka Hararge imaatinkooda magaalada Diridhabe si ay u garab istaagaan dhaqdhaqaaqa xiliga xaggaga.
Garabka Haweenka ayaa wada hawlo badan oo tabaruca ah xilliyada xaggaga, sida aay sheegtay Marwo Iftu Axmad, oo ah Madaxa Xafiiska Garabka Haweenka Xisbiga Barwaaqo ee magalaada Diridhabe, waxayna u mahadcelisay Garabka Haweenka Xisbiga Barwaaqo ee Oromiya taageerada ay la garab taagan yihiin is Maamulka Diridhabe.
Marwo Hukmiya Mahammad oo ah madaxa xafiiska haweenka, caruurta iyo arrimaha bulshada ee ismaamulka Diridhabe, ayaa sheegtay in haweenka looga baahan yahay inay noqdaan kuwo ku dayasho mudan iyagoo si firfircoon uga qayb qaadanaya hawlaha samafalka ee kala duwan waxayna u mahadcelisay intii gacan ka gaysatay guusha barnaamijkan.
Marwo Samiya Cabdalla, oo ah Madaxa Xafiiska Garabka Haweenka Xisbiga Barwaaqo ee Oromiya ee Dawlad Deegaanka Oromiya ayaa dhankeeda ka hadashay sida ay ugu faraxsan tahay imaatinka magaalada Diridhabe ee dalka Itoobiya oo astaan u ah jacaylka, midnimada iyo wadajirka, waxayna ku dhawaaqday in hawlaha samafalka ah ay sii xoojiyaan.


