Xafiiska Dawladda hoose ee is Maamulka Magaalada Diridhabe ayaa maanta kulan dooded Wada tashii ah oo ku saabsan nidaamka No.1703/2017 diiwaanka cashuur ururinta iyo warbixin soo jeedinta la yeeshay hay’adaha ay khusayso.
Waxana ugu horaynti ka hadlay madashasi Madaxa Xafiiska dawladda hoose ee IsMaamulka Magaalada Diridhabe Mudane Injineer Jamaal Ibraahin oo sheegay in qabyo qoraalka habraaca cashuuraha loo ururinayo loga dan leyahaay sidi logu dhaqmii laha islamarkana aay ka shaqeyaan ciid kasta oy arrintani khusayso.
Geesta kale Aggaasinka Waxdaa Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha Dakhliga ee Dawlada Hoose is Maamulka Magaalada Diridhabe Madane Ibsa Amee ayaa sheegay in 49 xeer oo kala duwan ee dakhliga dawlada hoose ah laga soo ururiyay guud ahaan bulshada.
Dhanka kale,mudane Ibsa ayaa sheegay in hay’adaha ay khusayso hab-raacyada nidaamka shaqo ee marxaladda uu ku tilmaamay in habraacyadu ay kordhin doonaan sannadkan 2017.
Waxana ugu danbaynti la sheegay in sanadka 2017-ka la sii xoojin doono shaqada si loo shaqo galiyo xeer hoosaadka wax soo saarka ee wali shaqo galiin.
Cabdilahi Cabdo
Sawir qade;Abiy Shimalis


