Wafti uu Horkacayo ku Xigeenka Duqa ismamulka Magalaada diridhaba,Mudane Xarbi Bux,Ayaa boqasho shaqo ku gadhay Gobollka Siilde Ee Deeganka dhexe Itoobiya.

Waftigan oo qayb ka ahaa,wafti uu hogaminayay duqa ismamulka magalaada diridhaba mudane khadir juhar,oo shalay boqday xaruunta macmalka sirdoonka(AI) ee itoobiya,ayaa maantana boqasho shaqo oo ku saabsana indha indhayn howlaha horumarinta marrinadda miyiga ee laga fuliyay gobollka siilde,dagmada hulbaraak ee deeganka dhexe itoobiya.

Kooxdan oo uu horkacayaay ku xigeenka duqa ismamulka magalada diridhaba mudane xarbi bux,ayaa ka koobna hoogaminta sare ee ismamulka iyo hogaminta dhexe ee mamulada afarta kilastar ee miyiga ismamulka diridhaba,waxana sidiran xaruunta gobolka silde ee magalada warabee uguso dhaweeyay gudomiyaha gobolka,iyo masuliyinta dagmada hulbarak.

Waxayna waftigu boqasho indha indhayna ku sameen,guriyaha miyiga,oo qaab casri ah lodhisay oo leh goob wax soo saar beero,xananada digaga,iyo goobta dhaqashada xoolaha ee laga fuliyay dagmadasi.

Waaxana boqashada kadib waraysi kooban nagasiyay ujeedka socdalka,ku Xigeenka Duqa Magalada diridhaba Mudane Xarbi Bux,oo sheegay in muhimada socdalka wafti aay tahay in miyiga ismamulka diridhaba dhawaan laga bilabii doono horumarka marrinadda miyiga,sida awgeedna muhimada ugu wayni tahay in hogaminta miyigu khibraad wadag lasameyan gobaha laga hirgaliyay hawshan.

Wuxuuna masulku sheegay in wax badan laga hirgaliyay goobta,an ku suganay hogamintuna indha hoga kuso arkeen shaqoyinka laga qabtay mashrucan,kadibna sida ku haboon hawlaha laga hirgaiyay gobolkan, sii lamid ah dhawaan loga hirgalin doono qaar ka mid ah tulloyinka hoos yimada afarta kilastar ee miyiga ismamulka diridhaba.

Dhanka kale,hogamintii ka qaby gashay boqashada ayaa nosheegay inay hawlaha ay boqashada kuso arken ku aburtay dareen shaqo oo ay kaga baali doonan bulshada miyiga ismamulka diyaarna u yihin inay ka hawlgalan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *