Tabbabarkani oo soo socday mudo toban maalmood aha ayaa lagu soo gaba gabeeyay manta si wanaagsan oo ay tilmaameen masuuliyintu in ay u diyaar garoobeen hawlaha hor yaale iyago aqoontay ka heleen tabbabarkani ku kabi doona shaqooyinkooda.
Masuuliyinti uu tabbabarkani u soo xidhmay ayaa sido kale ka qayb galay barnaamij dhiig bixin ah oo lagu qabtay goobti uu tabbabarkani uga socday iyago sheegay in ay dhiig bixintani tahay mid qayb ka ah gudashada masuuliyada ay hayaan iyago intaasi ku daray in ay dhiigooda ugu deeqeen dadka la ilsha daran dhiig la`aanta.
Tabbabarkani ayaa si habsami leh u soo dhamaaday waxaana la sheegay in hoos loo dhaadhicin doono si fikir midaysan looga yeesho hiigsiga horumarka iyo barwaaqada ee xisbiga barwaaqo.


