Duqa ismaamulka Dir dhab mudane Khadiir Joohar ayaa heshiis ku saabsan mashaariicda sannadkan laga fulinayo ismaamulka la saxeexday xafiisyada iyo wakaaladaha kala duwan ee mashaariicda fulinaya

Saxeexan ayaa loova goleeyahay in xafiisyada iyo wakaaladaha si cad loogu bayaamiyo hawlaha ay qabanayaan

Duqa ismaamulka mudane Khadiir Joohar oo madasha ka.hadlay ayaa sheegay mashaariic gaadhaysa illaa 147 mashruuc la fulindoono iyadoo ay ku baxayso aduun gaadhaya 8 bilyan oo birr wuxuuna madaxda heshiiska saxeexday kula dardaarmay inay hadh iyo habeen ka shaqeeyaan sidii mashaariicda xiligii loogu talogalay loogusoo gabagabayn lahaa

Munaasbada heshiiska lagu kala saxeexanayey waxaa u joogay ku xigeenka ahna madaxa xafiiska ganacsiga, warshadaha iyo maalgashiga mudane Xarbi Buux

Heshiiskan ayaa noqonaya mid saamaxaya in xafiisyada lagula xisaabtamo fulintooda iyo dabagalka qaabka mashaariicdu u socoto

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *