Kormeerka iyo dabagalka kaalmaha shidaalka
Hubinta in shidaalka loo qaybiyo si cadaalad iyo sharci ah.
Waxaa la qabtay madal wacyigelin ah oo lala yeeshay Milkiilayaasha kaalmaha shidaalka Shirkadaha maamula .
Ujeeddadu waxay ahayd in la yareeyo cadaadiska ka dhashay yaraanta shidaalka iyo in la hago isticmaalka.
Tilmaamo muhiim ah oo la bixiyay:
Shidaalka si xaddidan oo qorsheysan loo isticmaalo
In loo qaybiyo ujeeddooyinka loogu talagalay oo keliya
In la raaco mudnaanta isticmaalka ee ay dejisay hay’adaha sida Wasaaradda Ganacsiga iyo Hay’adda Tamarta Maamulka ayaa sidoo kale sheegay
In tallaabo sharci ah laga qaadi doono kaalmaha ku kaca falal anshax-xumo ama musuqmaasuq
In wacyigelintu hore u keentay isbeddel wanaagsan oo ku saabsan hab-dhaqanka adeeg bixiyeyaasha.
Taliyaha guud ee Booliska magaalada, mudane Alemu Megra, ayaa Ka digay in si adag loola tacaali doono kuwa sameeya yaraanta shidaalka ee sharci darrada ah Adkeeyay in goobaha shidaalka ay waajib ku tahay inay bulshada si daacad ah ugu adeegaan.
Madaxa Xafiiska Ganacsiga, mudane Amino Teha, ayaa sheegay In la sameeyay Qolka Xaaladda (situation room)
Guddigan uu ka kooban yahay maamulka, booliska, iyo xafiiska ganacsiga In ay kulmaan maalin walba si ay ula socdaan xaaladda una qaadaan tallaabooyin degdeg ah.
Gunaanad Maamulka Dir Dhabe wuxuu qaadayaa tallaabooyin isugu jira kormeer, wacyigelin, iyo sharci fulin si loo xakameeyo qaybinta shidaalka, loona hubiyo in bulshada ay si cadaalad ah uga faa’iidaysato, iyadoo laga hortagayo musuqmaasuqa iyo isticmaalka khaldan.


