Wareegii Saddexaad ee tababbarka xubnaha xisbiga Barwaaqo ayaa loo qabtay xubnaha xisbiga ee dhammaan hay’adaha kala duwan ee dawlada ee Ismaamulka Dir-Dhaba.

Waxaa tababbarkan hogaaminayay mas’uuliyiinta ugu sareeya ee Xisbiga Barwaaqo ee Ismaamulka Dir-Dhaba, tababbarkan oo hal kudhig looga dhigay “Arragtida dawlad wadarta ahi waa horawmarka waaxaha”.

Si xubnaha xisbiga tayadooda feker iyo shaqo looga dhisi lahaa iyo horuwmarka dalka ka socda sidii ay ula socon lahaayeen ayuu tababbarkan ku saabsan yahay.

Tababarkani waxa uu diiradda saaraya mowduucyo ay ka mid yihiin:

1) isbeddelka qaab-dhismeedka beeraha iyo horumarinta miyiga ee ku saleysan aragtida Medemer.

2) Qeybta warshadaha.

3) Horumarinta magaalooyinka.

4) Sidoo kale wax-soo-saarka qaybta Dalxiiska.

Affartaas(4) mawduuc oo labbo labbo layskugu xidhay, labbo qayboodna loo kala qaadan doono.

Midka koowaad uu yahay “Horawmarka qaybta beeraha iyo warshadaha”

ka labbaadna uu yahay “Dhismaha Magaalooyinka iyo Dalxiiska”.

Mawduuca koowaad ee tababbarkan oo ah “Horawmarka qaybta beeraha iyo warshadaha” loogana dan leeyahay sidii loo balaadhin lahaa loona tayayn lahaa waxsoosaarka beeraha iyo sidii layskugu xidhi lahaa warshadaha iyo wax soosaarka beeraha. Xubnaha xisbiguna fahan buuxa uga qaadan lahaayeen.

Ka labbadna uu yahay “Dhismaha Magaalooyinka iyo Dalxiiska”. Si koboca magaalooyinka loo horawmarin lahaa loona abuuri lahaa magaalooyin bilicsan, nadaafadaysan diyaarna u ah in ay soo jiitaan indhaha caalamka iyo dalxiisayaasha kala duwan ee dalkeenan imanayo ayuu xisbiga Barwaaqo ku saleeyay door weyn oo muuqda oo laga gaysanayo horawmarinta iyo bilicda magaalooyinka.

Tababarku wuxuu gacan ka geysanayaa dhisidda midnimo ficil iyo maskaxeed oo xubnaha ah, taas oo lagu xoojinayo adkeysiga gudaha xisbiga, korna loogu qaadayo fahamka wadajirka ah, si loo helo xubno maalin kasta u shaqeeya xaqiijinta barwaaqada laba-geesoodka ah ee dalka. Waxa kale oo uu tababarku awood u yeelayaa in uu sii wado isbeddellada bilowday.

Waxaa tababbarkan loogu talogalay in xubnaha xisbiga faham laga siiyo hoosna loogu dhaadhiciyo hiigsiga iyo horawmarka dalkeenan uu ku talaabsaday lana rabo in lasii xoojiyo.

Waxa halkaas xubnaha xisbiga Barwaaqo ee xafiisyada kala duwan ka socday looga warbixiyay fahamna laga siiyay “Horawmarka qaybta beeraha iyo warshadaha”.

Qaybta koowaad ee tababbarkan ayaa ujeedkeedu yahay Horawmarka qaybta beeraha iyo warshadaha. Si taas loo gaadhana loo baahan yahay in hal kudhiga ah “Awooda dihan ee dalkeena Itoobiya aynu u addeegsano danta guud”. Si ay u hirgashana isbeddelka beeraha ee miyiga xukuumadu awooda saartay iyo sidii layskugu xidhi lahaa waxsoosaarka beeraha iyo warshadaha. Taasna ay keenayso koboc weyn iyo tacab midho dhala si looga dhabeeyo hal kudhiga ah “Deddaal hal sano oo u dhigma shan sano”.

Waxaa halkaas xubnaha xisbiga looga warbixiyay muhiimada socdaalka isbadalka beeraha iyo miyiga oo ah aasaaska himilada xisbigeena ee ah dhisidda Itoobiya barwaaqo ah, waa tiir muhiim u ah isbadalka aasaasiga ah ee dhaqaalaha qaranka. Tiirarka horumarineed ee muhiimka ah ee ahmiyadda koobaad laga siiyey qorshayaasha horumarineed ee xisbigeenu waa in la iska kaashado fulinta mashaariicda wax-ka-bedelka beeraha, miyiga, iyo dhismaha warshadaha si meesha looga saaro saboolnimada, loona xaqiijiyo barwaaqo waara.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *