Duqa Ismamulka Dirdhabe mudane Khadiir Johar oo Xafiiskiisa shir jaraid ku qabtay ayaa ka warbixiyay doorka nabadgalyada ee ismamulka dirdhabe

Waxana u sheegay in shirwaynihi 2aad ee xisbiga barwaqo e halku dhigiisu ahaa balanqaad ilaa dhaqan ayaa dhamaan laga hadlay xasilonida iyo amniga dalka

Isbadalkii kadib ismamulka dirdhabe waxay ku talaabsatay hormar dhanka nabadgalyada xasilonida iyo doorka cadalada isla xisaabtanka midnimada qoomiyadaha iyo shucubaha ku dhaqan ismamulka iyo u hogaansanida sharciga

Waxa kale u sheegay in ismamulka dhirdhabe aytahay magaalo bulshada ku dhaqani ay si nabad isjacayl iyo midnimo kuwa danoolyihiin taas oo astaan u ah magaloyinka kale dalka

boliska ismamulka dirdhabe ayaa hawlo muhiim ah ka qabtay nabadgalyada iyo amniga iyago adeegsanaya teknoolojiyada casriga ah iyo tababaro kala duwan oo lasiinaya xubnaha boliska

Duqu Waxa uu yidhi Nabadgalayada waxa door muhiim ah ka qaata bulshada kala duwan e ku dhaqan ismamulka dirdhabe sida abayasha dhaqanka, golaha isku dhafka diimaha , haweenka, dhalinyarada iyo qaybaha kale bulshada

waxana ismamulka dirdhabe lasiiyay bilada nabada iyo xasilonida dalka Waana Arrin kudayasho mudan oo in la xojiyo nabad galyada ay na masuliyad ka sarantahay muwadinkasta

waxanan wadna hawlo lagu xojinayo nabadgalyada magalada oo ay kamid yihiin horumarinta iyo baladhinta bilicda ay kamid tahay cc camerada o casri ah oo qayb ka qadanaysa doorka amniga iyo xasilonida

Waxaanka wada shaqayna amniga bariga dalka deganada dariska sida deegaanka somalid , degaanka hararida, bariga dawlad degaanka oromiya iyo ismamulka dirdhabe oo kulan 6dii bilood ba mar aan kaga wada xajoono amniga la iskuna waydaarsado aqoon korodhsi

Ugu danbaynti duqa ayaa bulshada ugu baqay in nabadgalyadu ay tahay masuliyad nawada saran waana inaan xojina wadanolaanshiyaha midnimada iyo isjacaylka bulshada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *