Wafti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Bangiga Ganacsiga ee Itoobiya Mudane Abe Sano, ayaa so gaadhay magaalada Diridhaba si ay uga wadahadlaan sidii loo dardargalin lahaa socdaalka horumarka magaalada Diridhaba kasocda ee caqli galnimada ah, iyadoo la kaashanayo maamulka Diridhaba iyo sidii loo xoojin lahaa shaqada ka socota dhinaca Tignoolajiyada casriga ah.

Wafdiga ayaa markii ay ka soo kaso dageen garoonka diyaaradaha ee magaalada Diridhaba waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay maayarka maamulka magaalada Diridhaba Mudane Khadir Juhaar, Maayar ku xigeenka maamulka Diridhaba mudane Xarbi Buuh iyo sidoo kale hogaminta sare ee maamulka iyo maareeyayaasha laamaha bangiga ganacsiga ee Itoobiya.

Waftigan ayaa booqan doona mashaariicda horumarineed ee laga fuliyay magaalada Diridhaba.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *