#DGC Cuur/Magaabid 16/2017
Baangiga Ganacsiga Ee Itoobiya kasa kaw adeega u bixiyo ee kobaca dhaqaale ee dalka iyo guusha uu ka gaadhayo, marka laga reebo faa’iidada uu helo iyo hawlaha uu u qabto si uu u guto waajibaadkiisa bulsho isaga oo isku duba ridaya shaqaalihiisa, waxa uu xusay in tani ay ka mid tahay kaalmada cunista cuntada ee uu siiyo bulshada danyarta ah ee ku dhaqan magaalada Diridhabe.
Barnamijkan deeqda oo halku dhigiisu ahaa “Wadajirnimada”.ayaa Waxay sheegeen inay bixin doonaan taageero la mid ah.
Deeqdan raashinka ah ee uu soo gaadhsiiyay bangiga ganacsiga Itoobiya ee laantisa diridhabe ayaa qayb ka ah hawlaha samafal ee uu u hayo qaybaha bulshada ee danyarta ah iyadoo isku xidhka hay’adaha gaarka ah iyo kuwa dawliga ahba ay si gaar ah isha ugu hayaan hawlaha dadka ku jihaysan ee ka socda bangiga ganacsiga Itoobiya ee laantisa diridhabe.
Tajuddiin Cumar oo ah maamulaha CBE Nuur ee bangiga ganacsiga laantisa diridhabe ayaa sheegay in bangiga ganacsiga Itoobiya uu sanadkii hore deeq noocaan oo kale ah ugu deeqay cunista raashinka isla markaana bangigu isagoo gudanaya waajibaadkiisa bulsho uu dhawaan ugu deeqay dhismaha daryeelka dadka da’da ah iyo kuwa dhimirka la’ ee dalka ee Xarunta “Maqadhooniyaa” lacag dhan 30 milyan oo birr.
Xubnihii bulshada ee deeqdan la gudoonsiiyay ayaa si wayn uga mahadceliyey deeqdan raashinka ah ee uu bangigu u fidiyay.
Barnamijkan ayaa waxaa goob joog ka hogaminta ismamulka diridhabe ooy kamid yihin Af hayeenka golaha Xildhibanada Marwo Fadxiya Adan,Maayar Ku Xigeenka Is Maamulka Diridhabe, Mudane Xarbi Buuh, Madaxa Xafiiska Maliyada iyo Dhaqaalaha Ee is Maamulka Diridhabe, Marwo Muluka Maxamad.
Cabdilaha Cabdo
Sawirka:Dhawit


