SHACABKA MUSLIMKA EE KU DHAQAN ISMAAMULKANI DIRI DHABE AYAA SI DIIRAN U CIIDAY IYAGO SI BALAADHAN UGU SOO BAXAY SALAADA CIIDA.

Ciida ciiddul fidriga ee sannada 1445 hijiriyada ayaa si meeqaam sare leh looga ciida ismaamulka dir dhabe iyado ay salaadii ciida si nabad galyo iyo tamashlayn buuxda ah leh uga soo qayb galeen dhamaan muslimiinta dagan magaaladani diri dhabe.

Subaxnimadi hore ee maanta ayaa waxaa soo buux dhaafiyay masaajidka balaadhan ee salaada ciida lagu tukado shacabka muslimka ee ismaamulka dir dhabe iyado ay wajiyadooda ka muuqatay farxad iyo rayn rayn ayaay yar iyo waynba ku kulmeen isla markaana salaadi ciida ku tukadeen goobtaasi.

Munaasibadani salaada ciida ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyinta ismaamulka oo uu hor kacayo ku-xigeenka duqa ismaamulka diri dhabe mudane xarbi buux, gudoomiyaha gudiga golaha islaamka ee ismaamulka dir dhabe sheek cabdulahi maxamed cabdi culimaa`u diinka iyo aabayaasha dhaqanka.

Ugu horayn ku-xigeenka duqa ismaamulka mudane xarbi buux warsame ayaa bulshada ismaamulka uga hanbayleeyay ciida ciidul fidriga ee 1445 aad wuxuna u rajeeyay ad qab, bash-bash iyo barwaaqo ku ciidaan ciddi xanuunsana uu ilahay caafiyo.

Mudane xarbi buux ayaa intaasi ku daray in bulshada muslimka ee ku nool ismaamulkani dir dhab ay ilaashadaan midnimadooda iyo walaaltinimadooda siina adkeeyaan amaanka magaaladooda iyago ka fogaanaya fikirada xagjirnimo ee ay wadaan kooxo ku can baxay in ay isku dhuftaan bulshada isla markaana daadiyaan dhiiga shacabka.

Gesta kale gudoomiyaha golaha islaamka ee ismaamulka diri dhabe sheikh cabdulahi maxamed cabdi ayaa bulshada ku booriyay in ay sii xoojiyaan nabad galyada isla markaana iskaashiga iyo is caawinta dhexdooda ka jirta sii adkeeyaan maadaamoy maalintani tahay maalin farxadeed oo ay diinteenu na amrayso in farxadaasi la wadaago.

Munaasibadani ciida oo ay ka hadleen qaar ka mid ah culimaa`udiinka ismaamulka oo uu ugu horeeyo sheikh maxamed macalin ayaa sheegay in diinta islaamku ay tahay diin kor u qaadaysa walaaltinimada iyo wada jirka sidaa darteedna loo baahan yahay in farxada ciida lala wadaago dadka ay hayntoodu hosayso waxayna duco u direen ummada muslimka ee aan manta cidani sobobo amni daro aawgeedaan u ciidn.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *