Waxaa la sheegay in hawlaha dhiirigalinta Ee uu ismaamulka Diridhabe Ka Fuliyay qaybaha kala duwan Ay Sii Xoojin doonaan.

Waxaa ismamulka diridhabe ka qabsomay Tabobar ku saabsan go’aamadii ka soo baxay shirwaynihii 2-aad ee Xisbiga Barwaaqo oo halku-dhiggiisu ahaa “Hadal ilaa Dhaqan”.

Waxana ugu horaynti tabobarkan ka hadlay Duqa ismamulka diridhabe Mudane Khadir Juhaar oo sheegay in madashan inta badan looga dan leeyahay in hogaamintu uu si dhamaystiran u fuliyan awaamiirta iyo go’aamada ka soo baxa xisbiga, isla markaana la yeesho isfaham qoto dheer.

Mudane khaadir ayaa intaa ku daray in hawlaha dhiirigalinta ah ee uu ismaamulka diridhabe ka fuliyay hawlaha kala duwan tan iyo maalintii uu isbadalku dhacay ayna sii wadi doonaan.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dawladdu ay ku guulaysatay in ay ka dhabayso balan qaadkii ay shacabka uqaday, isla markaana ay dhaqan ka dhigtay.

Geesta kale waxaa madashani ka hadlay Madaxa Xafiska Xisbiga Barwaqo Laantisa diridhabe Mudane Ibraahin Yuusuf oo tababarkan siinayay madaxda sare iyo kuwa dhexe ee ismaamulka diridhebe ayaa sheegay in

Tababarkan la siinayooku dhawaad ​​10 fikrado oo kala duwan.

Waxaa kalo uu sheegay in loo baahan yahay in la sugo nabadda dhammaan dagmoyinka iyo magaalada iyo kuwa miyiga, nabadda gudaha, waxtarka caddaaladda, geeddi socodka dhismaha qaranka, xawaaraha dhaqaalaha,iyo horumarka bulshada.

Waaxa kalo la sheegay in lagama maarmaan tahay in la xoojiyo hawlaha diblumaasiyadeed ee waxtarka leh, si loo xaqiijiyo dib u habaynta lagu bilaabay waaxda shaqaalaha dawladda, iyo in la xoojiyo xiriirka warbaahinta

sida ku cad dukumeentiyada uu soo diyaariyay ismaamulku wana inay ku dadalan hogaminta sare iyo kuwa dhexeba sidii ay u buuxin lahaayeen baahiyaha bulshadda ku dhaqan is maamulka diridhabe iyo sidii horumarka dalka ka hanaqaday loo gaari lahaa.

Shucay dahir

Sawir qadee:Aganyaw shawa araga

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *