Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka JDFI, Mudane Temesgen Tiruneh, ayaa dhagax-dhigay bilowga waddadani oo uu dhererkoodu ka badan yahay 144 Km, halka balaceeduna yahay 33.9 meter. Munaasibadda dhagax-dhigga waxaa ka qayb’galay, Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga Barwaaqo, lehna awood Ra’iisul Wasaare ku-xigeen, Mudane Aadan Faarax Ibraahim, Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar iyo masuuliyiin heer fadaraal ah.
Waddadani oo ay dhismaheeda fulinayso shirkadda laga leeyahay wadanka Shiinaha ee magaceeda loo soo gaabiyo (CCECC) ayaa waxaa lacagta ku baxaysa bixinaya Bangiga Adduunka (World Bank). Mashruucan oo isugu jira laba waji ayuu qorshuhu yahay in lagu dhammaystiro muddo 4 sano ah.
Jidkani oo ah mid casri ah oo aan horrey noociisa looga hirgelin Deegaanka ayaa marka la dhammaystirmo waxaa ka faa’iidaysan doona:Malkajabtu, Erer, Gota Biki, Afdem Ma’ayso/Muli iyo guud ahaan xarumaha iyo tuulooyinka hoos yimaada ee Deegaanka Soomaalida.
Hirgalinta waddooyinka waaweyn ee xawaaraha sare leh waxa ay door wayn ka ciyaaraan, kobcinta dhaqaalaha, kor u qaadidda ganacsiga, maalgashiga, fududaynta iyo dagdagsiinyaha safarada iyo koboca horumarka ee goobaha uu jidku maro.


