hay’adda facrans-ethiopia horn of afrika ayaa agab iskugu jira kuwo caafimaad, ambilansiga dab damiska, iyo waliba qalabka caruurtu ku ciyaaran ayaa ay ismaamulka soo gaadhsiiyeen.
Madasha lagu gudoonsiiyayay ayaa waxaa kasoo qayb galay mudane khadiir jawhar oo ah duqa ismaamulka dir dhaba ayaa u mahad celiyay hay’addani oo agabkanibka soo uruurisay ururada ku bahoobay in ay caawiyaan walaalahood oo uu ka wakiil yahay mudane shuukhi cali oo ah isagu isku duwaha hayadani.
Geestiisa mudane shuukhi cali ayaa sheegay in uu ismaamulku dadaal gaar ah ku bixiyay sidii qalabkani loo soo gaadhsiin laha dir dhaba wuxuna sidoo kale uga mahad celiyay ururada ka qayb qaatay ee soo bixiyay taageeradani.
Ugu danbaynti ayaa waxaa shahaado sharaf la siiyay dadki gacanta ka gaystay in uu qalabkani soo gaadho dir dhaba.


