Kooxda roha ayaa ku guulaysatay tartankii kooxaha heerka labaad ee Diridhaba, oo uu soo qaban qaabiyaay xidhiidhka kubadda cagta ee Diridhaba.
Roha Gabaya oo la ciyaartay kooxda dhigoda hadhagala ayaa kaga adkaytay 5-2.
Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa kooxda hadhagala waxa ay la timid laba gool,waxana ciyaarta lagu kala nastay 2-1 oo ay kooxda Roha dhalisay hal gool. Kooxda Roha ayaa noqotay horyaalka heerka koobaad ee ay ka dhisantahay.
Waxaana ugu danbaynti abaal marinoo kala duwan kudoonsiyay ciyartoyadi tartaanka ka qayb gashay Maayar Ku Xigeenka is Maamulka Diridhaba Mudane Xarbi Buux.


