#DGC ginbood 21/2017
Waxaa maanta dood wada tashi ah oo halku dhagisu ahaa “Doorka Ganacsatadu ku Leeyihiin Horumarka iyo Barwaaqada Dalka” ayaa loo Ganacsatada ku dhaqan dagmooyinka 07, 09 iyo 03 ee is Maamulka Diridhabe lalayeshay.
Intii ay socotay madasha wada tashiga ah ayaa waxaa lagu sheegay in maadaama dawladdu ay ku howlan tahay sidii kor loogu qaadi lahaa dakhliga dalka in doorka ganacsatadu uu noqdo mid wax ku ool ah oo wax soo saarka dalka gudihiisa lagu badalo wax soo saarka dalka, in si wadajir ah looga hortago ka ganacsiga sharci darrada ah, in ay muhiim tahay in la kordhiyo wax soo saarka dalka, oo ganacsatadana looga fadhiyo in ay noqdaan ciidan gacan ka gaysta dadaallada dowladda ee lagu dhimayo qiimaha maciishada iyo arrimo kale oo la xiriira.
Dhanka kale, ka-qaybgalayaashii madasha ayaa sheegay in wax-qabadyo badan oo rajo-galin leh laga qabtay ganacsiga tan iyo intii ay jirtay dowladdii is-badalka ahayd; iyagoo sheegay in ganacsatadu ay kaalin mug leh ku leeyihiin kobaca dhaqaalaha dalka.
Waxa kale oo ay ka soo qayb-galayaashu xuseen in ganacsatada, gaar ahaana ay doorkooda ka qaadanayaan bixinta cashuuraha ku waajibay wakhtiga iyo sidii loogu baahnaa, isla markaana ay u garab istaagi lahaayeen mashaariicda horumarineed, mustaqbalkana la sii xoojin doono.
Cabdilahi Cabdo
Sawirka:-Salaam Ababe


