Waxaa la sheegay in Shiinuhu uu taageeri doono howlaha horumarineed ee ka socda ismaamulka dir dhabe.

Waxaa la og yahay in wafdi uu hoggaaminayo safiirka Shiinaha u fadhiya dalka Itoobiya, Chen Hai uu gaaray magaalada dir dhabe. Ujeedada ugu weyn ee wafdigan ay u tageen dir dhabe ayaa lagu sheegay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal.

Wafdi uu hogaaminayo safiirka Shiinaha u fadhiya dalka Itoobiya Chen Hai ayaa maanta kulan la qaatay madaxda sare ee maamulkaasi.

Itoobiya iyo Shiinaha ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir in ka badan 55 sano, gaar ahaan dhanka tignoolajiyada, tareenada, dhismaha iyo arrimo kale oo kala duwan Maxay yiraahdeen.

Chen Hai, Safiirka Shiinaha u fadhiya Itoobiya, ayaa shaaca ka qaaday in marka laga soo tago iskaashiga dhinacyada kala duwan ee ay ka mid yihiin Tareennada, daawooyinka, Tignoolajiyada, Dharka iyo Maalgashiga, ay sidoo kale gacan ka siin doonaan maamulka.

Shucayb daahir

Sawrika Ramadan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *