Sida la wada ogsoon yahay waxaa saaka ka bilowday ismaamulka dir dhabe barnaamijka dhaq-dhaqaaqa bulshada kaas oo looga gol leeyahay in lagu hormariyo qiyamka bulshada ee muhiimka ah si looga hortago dhaqamada xunxun iyo dhaq dhaqaaqyada isboortiga.
Intii uu socday barnaamijka ayaa waxaa lagu soo booqday garoonka caalamiga ah ee dir dhabe Acadeemyada ciyaaraha iyo sidoo kale dhismaha maktabadda iyo iibinta buugaagta ee uu bilaabay ra’iisul wasaare Dr.Abiy Axmed, iyo sidoo kale howlaha horumarineed ee uu sameeyay iyo kuwa ka socda maamulkiisa.
Marwo Shewit Shanka oo ah Wasiirka Hiddaha iyo Dhaqanka ee JFD ee itoobiy ayaa intii ay booqatay maamulkaasi waxay sheegtay in maamulku uu ahmiyad gaar ah u leeyahay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo dhaqanka.
Akadeemiyada Isboortiga ee dir dhabe ayaa sheegtay in carruurta leh xirfadaha kubbadda cagta, baaskiil wadida, dabaasha ay ka abuuri karaan akadeemiyada.
Si loo dhiso jiilka cusub ee horumarinta dhaqanka iyo horumarinta ciyaaraha
ayuu yiri mas’uuliyiinta maamulka gobolka iyo kan magaalada.
Waxa uu ku micneeyey in kaabayaasha waaweyn iyo mashaariicda lagu fulinayo maamulka ay yihiin kuwo la baray loona tixgeliyo jiilka soo socda.
Shucayb daahir
Sawerka Aganywo shawaarag


