Xafiiska Arimaha warfaafinta dawlada ee ismaamulka Diridhaba ayaa waxa uu siinayaa tababaro la xidhiidha xidhiidhka dadwaynaha iyo xirfadlayaasha isgaadhsiinta oo ku saabsan isgaadhsiinta casriga ah .

Madaxa Xafiiska warfaafinta dawlada ee ismaamulka Diridhaba, mudane Brook Feleqe, ayaa sheegay in xirfadlayaasha xidhiidhka dadweynaha iyo isgaadhsiinta ee hay’adaha dawladda iyo qaybaha kala duwan ee dawladda loo baahan yahay in loo dhiso aqoon iyo xirfad si ay u daboolaan baahiyaha xogeed ee dadweynaha, iyadoo kor loo qaadayo aqoontooda iyo xirfadahooda dhinaca Tignoolajiyada casriga ah.

Isagoo sheegay in tignoolajiyada dhijitaalka ahi ay fursado iyo caqabado labadaba u keentay shaqada isgaadhsiinta, mudane Brook waxa uu sheegay in muddooyinkan dambe, ay sababtay in ay warar khaldan, qalloociyaan xaqiiqada iyo wararka been abuurka ah ay si weyn ugu faafaan baraha bulshada, ilaa heer ay gaadhay in aragtida bini’aadamka ay ku adkaato in la kala saaro runta iyo beenta.

Ka qaybgalayaasha tababarka ayaa sidoo kale muujiyay doorka tignoolajiyada dhijitaalka ah ee bixinta xirfadaha isgaarsiinta xirfadlayaasha isgaarsiinta si loo helo macluumaadka saxda ah iyo kuwa cusub ee dadweynaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *