Waxaa lasheegay in Mashruuca Horumarinta daryeelka deeganka ee Isku dhafan ayaa dhammaystiray shaqooyin kala duwan oo ku saabsan ilaalinta beeraha iyo biyaha oo laga sameeyay 5,500 hektar oo dhul ah.

Barnaamijka Daahfurka Horumarinta daryeelka deeganka Isku dhafan ee sannadkan 2018, ayaa maanta lagu qabtay qabalaha genda rige ee kilastarka Xasaliso.

Barnaamijkan oo uu ka qayb galay Duqa Magaalada Diridhaba, mudane Khadir juhar, oo sheegay in Ilaalinta Biyaha ee khayraadka dabiiciga ah ee isku dhafan ee la sameeyay sannadihii la soo dhaafay ay horseedeen ballaarinta waxso saar rajo leh, taas oo iyaduna soo celinaysa adkaysiga dabeecadda, isbaddalka cimiladu.

Waxaa kalo uu xustay duqu in fiiro gaar ah loo yeelan doono hawlaha yareeya saamaynta iyo hagaajinta xaaladaha nololeed ee bulshadda miyiga.

Dhankisa,madaxa xafiska beeraha,biyaha,iyo macdanta ee ismamulka diridhaba,mudane Nuuradin Cabbdala,ayaa sheegay in Hawlaha horumarinta daryeelka deeganka ee isku dhafan ay daboolen wadarta 37,927 shaqaale ah waxayna yarayn doonaan nabaad guurka carrada 3.7 boqolkiiba iyadoo la fulinayo shaqooyin kala duwan oo ku saabsan ilaalinta beeraha iyo biyaha oo laga fulinayo 5,500 hektar oo dhul ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *