Ismaamulka Dire Dhabe ayaa qabtay barnaamij aqoonsi iyo mahadnaq ah oo lagu sharfayay geesiyaasha, hay’adaha iyo dhammaan cid kasta oo si muuqata uga qayb qaadatay ilaalinta nabadda iyo amniga, kuwaas oo muujiyay geesinimo, karti iyo masuuliyad sare.
Dhawaan, kooxo argagixiso ah ayaa isku dayay inay carqaladeeyaan nabadda iyo amniga gobollada bariga dalka, oo ay ku jirto Dire Dhabe. Si kastaba ha ahaatee, Ciidamada Amniga Wadajirka ah ayaa qaaday tallaabooyin adag oo wax ku ool ah, kuwaas oo lagu burburiyay falalkii argagixiso, laguna soo celiyay nabad iyo xasillooni buuxda.
Duqa Magaalada Dire Dhabe ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in la aqoonsado lana qadariyo ciidamada amniga, hoggaamiyeyaasha booliska, maleeshiyada iyo dhammaan xubnaha heerarka kala duwan ee si naf-hurnimo leh uga shaqeeyay sugidda amniga. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in maamulku taageero iyo gargaar u fidiyay qoysaska xubnaha amniga ee naftooda u huray difaaca nabadda.
Dhankiisa, Madaxa Xafiiska Caddaaladda, Amniga iyo Arrimaha Sharciga ee ismaamulka Dire Dhabe, Mudane Abdusalam Maxamed, ayaa sheegay in dadaallada joogtada ah ee nabadeynta ay Dire Dhabe ka dhigeen tusaale wanaagsan, isla markaana ay xoojiyeen wadajirka, walaalnimada iyo isfahamka bulshada dhexdeeda.
Ugu dambeyntii, barnaamijku wuxuu ahaa mid lagu muujinayo mahadnaq, dhiirigelin iyo go’aan adag oo lagu ilaalinayo nabadda, iyadoo abaalmarinno aqoonsi ah la guddoonsiiyay dhammaan geesiyaashii door weyn ka qaatay sugidda amniga ismaamulka Dire Dhabe.


