Waxaa Lasheegay In Lasii Xoojin doono Hawlaha Lagu Horumarinayo Waxtarka Mashricaha Khayraadka Ee dhulka hoose.

Xafiiska Beeraha, Khayraadka Biyaha iyo Tamarta ee ismamulka Diridhabe ayaa maanta daahfuray wajigii labaad ee mashruuca horumarinta hab nololeedka deegaanka hoose.

Waxaana ugu horaynti ka hadlay Maayar ku Xigeenka ismaamulka Diridhabe Ahna Madaxa Xafiska Ganacsiga,Warshadaha iyo Malgasigga Mudane Xarbi Buux oo sheegay in ismamulku uu yahay mid u nugul is badalka cimiladu iyadoo la xoojinayo khayradka hawada, oo ilo dhaqaale oo kale la abuuro iyadoo la kordhinayo awooda lagu Ismalikaro hawada.

Mudane Harbi ayaa inta ku daray in mashruucan la fulin doono shanta sano ee soo socota.

Waxuna umahadnaqay Mayaar ku xigeenku intii gacan ka gaysatay mashruucasii kuna booriyay cid kasta oo ay khusayso in ay ka qayb qaataan sidii loo dabooli lahaa heerka uu mashruucani marayo.

Geesta kale Madaxa Xafiiska Beeraha, Biyaha iyo Tamarta Macdanta ee isMaamulka Diridhabe Mudane Nuuradiin Cabdalle oo sheegay in wajigii labaad ee mashruuca Mashruuc laga fulinayo afar dagmo oo miyi ah oo ka tirsan ismaamulka Diridhabe.

Mudane Nuradiin ayaa sidokale tilmaamay in ay ka loga faa idaysanayo mashrucaan wax ka qabashada arrimo badan oo horumarineed oo adag oo ay fuliso waxqabadyada samatabbixinta ku jihaysan iyada oo la dhimayo khataraha la xidhiidha isbaddalka cimilada.

Wajiga labaad ee mashruuca hagaajinta hab nololeedka dhulka hoose ayaa loo qoondeeyay miisaaniyad ka badan $13.5 milyan oo laga helay Bangiga Adduunka.

Cabdilahi Cabdo

Sawir qade; Agaanyaw Tashagaar

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *