Garabka Dhalinyarada ee Dagmada 08 ee is Maamulka Diridhaba, oo kaashanaya Komishiinka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha isboortiga ee is Maamulka Diridhaba, ayaa qabtay barnaamij lagu aqoonsanayo laguna qaddarinayo kaalinta aay hoggaamiyayaasha ismaamulku ay kaga qayb qaen ilaalinta nabadda iyo dardargalinta horumarka.
Waxaa sidoo kale la bixiyay tababar ku saabsan doorka dhallinyarada si loo hubiyo doorashada qaraan ee 7aad,noqoto mid udhacda si nabad, dimuqraadi ah oo lagu kalsoonaan karo.
Duqa Magaalada diridhaba, mudane Khadir Juhar, ayaa sheegay in xafada lagahare tahay hormuud ka ciyaaraha, farshaxanka iyo qaybaha kala duwan,Wuuxun caraabka ku akeyay baahida loo qabo in dhallinyaradu ay door hoggaamineed ka ciyaaraan safarka lagu hubinayo barwaaqo dhammaystiran.
Duqa Magaalada Khadir, ayaa sido kale,sheegay in dhallinyaradu ay had iyo jeer ka qayb qaataan hawlaha dhismaha si nabad iyo wada noolaansho leh.
Geesta kale,Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqado ee laanta is Maamulka Diridhaba, mudane Ibrahim Yusuf, ayaa sheegay in dhammaan dhallinyarada, gaar ahaan dhallinyarada Dagmada 08, ay waqtigooda iyo dadaalkooda ku bixiyeen ilaalinta nabadda Wuuxuna u sheegtay in iyagoo dardar galinaya shaqooyinka, ay ciyaarayaan doorkooda halka kasi wadan.
Dhankisa komishiineerka taliska guud ee boliska diridhaba,Alamu Magra,oo dhalinyarada dagmadasi fariin ugudbiyay ku sheegay inay dhammaan dhalinyaradu ay nabadda ilaaliyaan sii akhlaaq iyo walaalnimo leh.
Komishineerka komishiinka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha isbortiga ee is Maamulka diridhaba,mudane Khalid Maxammqd,ayaa dhankisa sheegay inay si wada jir ah uga shaqeynayaan ilaalinta nabadda iyo horumarka deegaanka.
Barnamijka Abaalmarinta ayaa waxaa abaal marrin laa guddoonsiiyay Duqa Magaalada mudane Khadir Juhar, Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqado ee laanta diridhaba,mudane Ibrahim Yusuf iyo Taliyaha Guud ee taliska booliska Diridhaba,komishineer Alamu Megra.


