Xafiiska Maamulka Degmada 03 ee Dire Dhabe ayaa si rasmi ah ugu soo bandhigay xubnaha heer degmo Bayaanka Doorashada Guud ee 7aad iyo astaanta doorashada ee “Xidhmo Qamadi ah”.

Munaasabadda oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay Madaxa Waaxda Ururrada ee Maamulka Degmada iyo Xoghaynta Xisbiga Barwaaqada ee Dire Dhabe, mudane Dereje Tsegaye.

Mudane Dereje ayaa sheegay in tan iyo Doorashadii 6aad, hoggaanka iyo shacabka ay si wadajir ah uga shaqeeyeen hirgelinta maamulka suuban, xoojinta koboca dhaqaalaha, iyo horumarinta adeegyada bulshada, iyagoo ka dhabeynaya ballanqaadyadii loo sameeyay shacabka.

Waxa uu xusay in xisbigu ku tallaabsaday isbeddello muuqda oo taabanaya dhinacyada kala duwan ee nolosha bulshada, islamarkaana lagu guuleystay in la diiwaangeliyo horumar la taaban karo oo lagu yaraynayo saboolnimada laguna dhisayo bulsho barwaaqo ah.

Sidoo kale, mudane Dereje ayaa adkeeyay in xubnaha xisbigu ay qaadan doonaan doorkooda ku aaddan xaqiijinta in Doorashada Qaranka ee 7aad ay noqoto mid xor iyo xalaal ah, kuna qabsoonta jawi nabdoon oo dimuqraadiyad ku dhisan.

Dhankiisa, Madaxa Fulinta Degmada, mudane Mitku Hunaywo, ayaa tilmaamay in astaanta “Xidhmo Qamadi ah” ay ka tarjumayso midnimo, iskaashi, wax-soo-saar, sharaf iyo madax-bannaani qiyam saldhig u ah himilada horumarineed ee xisbiga iyo mustaqbalka ifaya ee bulshada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *