Hay’adda Hal-abuurka iyo Tiknoolajiyadda Ismaamulka Dire Dhabe ayaa tababar ku saabsan Sirdoonka Macmalka ah (AI) u qabanaysa xirfadlayaasha ICT-ga ee ismaamulka, iyadoo kaashanaysa Machadka Sirdoonka Macmalka ah ee Itoobiya.
Munaasabadda furitaanka tababarka ayaa Mudane Yitagesu Desalegn, Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Machadka Sirdoonka Macmalka ah ee Itoobiya, ka jeediyay hadal uu ku boorriyay ka-qaybgalayaasha inay si firfircoon uga faa’iidaystaan tababarka, ayna si dhamaystiran ula socdaan, maadaama uu tababarkani door weyn ka qaadanayo horumarinta awoodda shaqo iyo tayada adeegyada hay’adaha.
Dhankiisa, Injineer Mahdi Maxamed, Madaxa Hay’adda Hal-abuurka iyo Tiknoolajiyadda Ismaamulka Dire Dhabe, ayaa sheegay in tababarkan si taxaddar leh loo raaco, maadaama uu abuuri doono fursado lagu dhexgeliyo adeegsiga tiknoolajiyadda casriga ah ee AI-ga howlaha hay’adaha, taasoo kor u qaadaysa wax-soo-saarka, tayada adeegga, iyo qanacsanaanta isticmaalayaasha.
Tababarka Sirdoonka Macmalka ah (AI) oo ay bixinayaan aqoonyahanno sare oo ka socda Jaamacadda Addis Ababa ayaa la filayaa inuu horseedo natiijooyin wax ku ool ah, iyadoo lagu dabaqayo horumarka tiknoolajiyadeed ee ugu dambeeyay maamulka iyo bixinta adeegyada hay’adaha dawladda.
Aqoonyahannadu waxay carrabka ku adkeeyeen in tababarka AI-gu uu muhiim u yahay hubinta in hay’aduhu helaan xirfadlayaal si wanaagsan u tababaran, gaar ahaan dhinacyada maaraynta xogta, adeegsiga tiknoolajiyadda, iyo ka hortagga khataraha la xiriira daadinta xogta.
Ugu dambayn, Injineer Mahdi Maxamed ayaa sheegay in xirfadlayaasha ICT-ga ee ka qayb-qaadanaya tababarkan oo socon doona toddoba maalmood oo xiriir ah ay heli doonaan aqoon iyo xirfado u sahlaya inay isbeddello la taaban karo ka hirgeliyaan hay’adahooda marka ay ku laabtaan, taasoo gacan ka geysan doonta casriyeynta adeegyada dawladda ee ismaamulka Dire Dhabe.


