waxaa ismaamulkani diri dhabe lagu xusay sannad guuradi 62aad ee ka soo wareegtay xiligi la aasaasay kooxda fanka ee afran qallo ee luuqadda oromada.

Munasiibad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay kasoo qayb galeen masuuliyinta ismaamulka diri dhabe oo ay hor kacayaan duqa ismaamulka diri dhabe mudane khadiir jawhar, ku xigeenkisa ahna madaxa xafiiska ganacsiga, warshadaynta iyo maalgashiga mudane xarbi buux iyo waliba madaxa xafiiska xisbiga barwaaqo laantisani diri dhabe mudane ibraahim yuusuf ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay ////oo ka mid ah aasaasayaashi kooxdasi.

Ugu horaynti waxaa masraxa ka hadlay duqa ismaamulka mudane khadiir jawhar oo sheegay in ay kooxdani kor u qaaday fanka shacabka oromada iyado bariga danka ku lahayd magac aad u weyn isla markaana ka qayb qaadatay hangannadi ay ummada oromadu soo gashay.

Kooxdani ayaa la aasaasay 1954 ti iyado xubnihi aasaasay uu ka mid ahaa fanaanka lagu magacaabo ismaacil mumad oo sannad guuradani maanta goob joog ahaa ayaa geestisa sheegay in ay muhiim tahay in jiilka soo kacaya ku dhaganaadan dhaqankooda iyago kor u qaadaya afnka shacabkooda.

Xuskani ayaa sido kale waxaa ka soo qayb galay aabayaasha dhaqanka ee qowmiyada oromada iyo waliba marti kale oo ka kala timid dalka iyo dibada.

Ugu danbayna waxaa abaal marino kala duwan iyo halyado la siiyay xubnihi soo agaasimay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *